Gobolka Banaadir oo gacan ka taagay maareynta Biyaha fadhiya Waddooyinka!

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah.

“9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho, maamulka Gobolka Banaadir & Khubaro heer caalami ah ayaa sameeyay daraasad xal loogu helayo biyo deneenada si meelo ay maraan loo helo, balse qiimeynta lasoo saaray ee ku baxeyso ay tahay $337 Milyan, Bangiga Adduunka ayaa ballanqaaday $37-Doollar, haddaba maamulka Gobolka Banaadir ma awoodo bixinta $300 Milyan” Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidaas yiri xili uu Warbaahinta uu u aqriyay warka kasoo baxay maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Gobolka Banaadir 2-da November 2020 ayaa u sheegay in dadka kunool Muqdisho ay yihiin Canshuur bixiyaal, sidaas awgeed ay xaq u leeyihiin helitaanka waddooyin wanaagsan oo ay maraan.

Rooble ayaa fadhiga ka sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka gaabiyay howsha la xiriirta furista waddooyinka biyaha roobka jaray & in ay ogaadaan muddo todobaad ah waxa ay ka qabtaan howshaan.

      Waxaan faray Maamulka Gobolka Banaadir in ay degdeg wax uga qabtaan biyaha x… – Waxaan faray Maamulka Gobolka Banaadir in ay degdeg wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar, Nadaafadda Caasimadda & caawinta dadka ay roobabku wax yeelleeyeen

Image may contain: 3 people, people sitting, table, living room and indoor

5-tii November 2020, maamulka Gobolka ayaa ku dhawaaqay mashruuc lagu dhisayo bulaacado biyaha waddooyinka ka qaada kuna shuba badda, dhaqaalaha ku baxanaya ay kala hadlayaan Ganacastada, Safaaradaha kala duwan & cid waliba oo ay dhaqaale ka qaadi karaan.

Haddaba, Maxaa keenay is dhiibitaanka maamulka Gobolka Banaadir ee ah in aysan waxba ka qaban Karin xakameynta biyaha waddooyinka fadhiistay?