Golaha Ammaanka oo kulan degdeg ah ka leh gantaallo Ruushka uu ku garaacay Ukraiene.

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya xaaladda Dalka Ukraien gaar ahaan duqeyntii ugu dambeysay uu Ruushka ku beegsaday goobo Dadka ka dukaameystaan oo ay ku geeriyoodeen 18 ruux oo Shacab ah.

Gantaallada Ciidamada Ruushka ku duqeeyaan dhismaha ayaa burbur xooggan gaarsiiyay goobo Dadka wax ka iibsadaan oo ku yaalla Magaalada Warshadaha leh ee Kremenchuk kana tirsan Gobolka Poltava ee Bartamaha Ukraine.

Sarkaal katirsan waaxda gurmadka degdeg ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in dhismaha muuqaalka guud is baddelay kaddib markii burbur xooggan uu soo gaaray, dadka dhintayna la geeyay goob gaar ah.

Waxa uu intaas ku daray in burburka ka muuqda dhismaha uu qaracan (Naxdin) uu gelinayo qofkii horay u yaaqanay ee maanta arka, taasina ay muujineyso awoodda gantaallada Ruushka uu ku beegsaday goobtaan.

Mareykanka ayaa xoogga saaraya sidii maanta uu u dhici lahaa kulankaan oo lagu soo bandhigayo waxyeellada Xukuumadda Moscow u geysatay dhiggeeda Kyiv si ugu yaraan loogu cambaareeyo falalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Voloydmr Zelensky ayaa markale shacabkiisa ugu baaqay in ay iska difaacaan Ciidanka Ruushka si ay uga hor istaagaan in ay gacanta u galaan “Cadawga kusoo duulay” ee burburiyay Dalkiisa.