Golaha Aqalka sare ee BFS oo Magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad kaas oo ay uga hadlayeen dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado doorashadiisa in ay dhacdo Bishaan.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shirguddoomiyaha Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senenatar Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, asiga oo khudbad kooban Golaha u jeediyay taas oo isugu jirta dardaaran iyo xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka kooban 17 xubnood kuwaas oo ka kala imaanaya 6 xubnood oo ka imaanaya Aqalka Sare, 10 xubnood oo imaanaya Golaha Shacabka iyo 1 xubin uu soo Magacaabayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe.

Lixda xubnood ee Golaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah:

  1. Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
  2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Soomaaliland)
  3. Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
  4. Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
  5. Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
  6. Samsam Cabdullaahi Axmed (Hirshabeelle)

No photo description available.