Golaha Shacabka BFS oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta qabsaday Kulankoodii 6-aad ee Kalfadhiga koowaad kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha, kaas oo ajandihiisa uu ahaa Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarrey, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madabooye ayuu waxa uu sheegay in ay kaalin ku lahaan doonin ansixinta ajandaha iyo ka qeyb galka Guddiga Doorashada Madaxweyanah.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in xal laga gaari doona, khaladaadka jira xilli uu sheegay“Waxaa nagu dhex jira dad aan xildhibaan wada noqon Karin oo ku yimid nidaam khilaaf ka dhashay, Maanta wixii ka dambeeya ayaa xal ka gaari doonnaa oo waxaa fadhiga imaan doona keliya Xildhibaan sharci heysta”.

Guddoomiyaha ayaa faray Golaha Shacabka in ay iska soo xulaan 10-ka xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa loo soo gubiyay liiska Xubnaha Guddiga kuwaas oo ka kooban 8 xubnood.

  1. Xil. Mowliid Cabdi Maxamed
  2. Xil. Cali Xaaji Daahir Saleebaan
  3. Xil. Nuur Mustaf Mukhtaar
  4. Xil. Maxamed Axmed Maxamed Beerey
  5. Xil. Maxamed Ibrahim Mucalimuu
  6. Xil. Cabdiwahaab Cumar Axmed Caananuug
  7. Xil. Cumar Yuusuf Khalaadiid.
  8. Xil. Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sedaxda xubnood kale ee dhiman saacadaha soo socda lagu soo dari doono, xilli Guddoomiyaha saddexda xubnood mid ka mid ah uu asiga soo Magacaabaya.