Golaha Wadatashiga qaran oo maanta ka shiraya dhammeystirka Doorashooyinka Dalka.

0

Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka wadatashiga qaran ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa ugu horeyn iska xor-wareysaneysa Doorashooyinka Senatarada Aqalka sare ee lagu doortay Kismaayo, Baydhabo, Garoowe & Dhuusamareeb, Kuraasta dhiman, Doorashada Golaha Shacabka, Dhaqaalaha, Amniga & qodobo kale.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa waxa uu ku sheegay in Maanta oo ah 21-ka August 2021 shirkaas uu ka dhacayo Xarunta Afisiyooni.

Kulanka kadddib, Golaha Wadatashiga qaran waxa uu warmurtiyeed kasoo saarayaa natiijada kasoo baxda Wadahadalkooda & is xog-wareysigooda si loo dhammeystiro Senatarada Aqalka Sare ee harsan & in Hir-Shabeelle iyo Somaliland wakiiladooda Aqalkaas doortaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal