Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada illaa 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taal magaalada Dhuusamareeb.
SEIT Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku cadeeyay habraaca Doorashada, waqtiga la xareynayo Ergada Beelaha leh kuraasta iyo waqtiga ay bilaabaneyso howlaha la xiriirta xulista ergada leh kuraastaas.
Doorashada ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 26ka iyo 27ka bishan Janaayo 2022.
Kuraasta uu guddiga Galmudug shaacisay habraaca iyo jadwalka ayaa waxaa hore ugu fadhiyay
HOP#007: Cabdullaahi Faarax Wehliye.
HOP#061: Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax.
HOP#064: Sahra Cumar Maalin
HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon
HOP#089: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jecel
HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali
HOP#071: Cabdisaabir Nuur Shuuriye