Guddiga Doorashada Puntland oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa

0

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Waxaa xilka gudoomiyaha isku soo taagay hal musharax oo ahaa Cabdikariim Muuse Maxamed, waxaana uu helay dhammaan codadka oo gaarayay 11 cod.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeen ayaa loo doortay Caynaanshe Yuusuf Xuseen iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan waxana uu helay 11 Cod.

Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug ayaa hore u doortay guddoonkooda halka la filayo in sidoo kale ay dhacdo doorashada Guddoonka Gudiyada doorashada, Hir-Shabeelle,Jubbaland,Waqooyiga iyo kuwa Beelaha Banaadiriga.