Guddiga FEIT oo maalintii 3aad oo xiriir ah shahaadada rasmiga ah siinaya Xildhibaannada & Senatarada Baarlamaanka 11aad JFS.

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah shahaadaa rasmiga ah siinaya Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Xildhibaanka iyo Senatarka Shahaadada ka qaata FEIT waxa uu kaarka aqoonsiga ka qaadanayaa labada Xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ku sugan Xarunta Villa Hargeysa si magacyadooda loo geliyo diiwaanka rasmiga ah.

  1. Ibraahim Awgaab Cusman AS#06
  2. Xasan Iidow Maxamed A#22
  3. Nuur Maxamed Geedi AS#10.

Ayaa maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee xubinnimada Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya si ay isugu diyaariyaan dhaarinta oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 14ka April 2022 sida uu sheegay Guddiga FEIT.