Guddiga loo xilsaaray Arrinta Gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay howlihii ay kawadeen Garbahaarey.

0

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay dib u heshiisiinta iyo xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ayaa ku dhawaaqay in uu soo gabagabeeyay howlihii uu u tagay Degmadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo Guddomiye u ah Guddigaan ayaa sheegay in dedaalkoodu uu mira-dhalay kadib markii lagu garabsiiyay sidii loo fududeyn lahaa howshaan si Doorashada Dalka ay u dhacdo.

Bulshada guud ee Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo waxa uu si guud uga dalbaday in ay u aqbalaan qodobada uu Guddiga kasoo saaray dib u heshiisiinta iyo xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed waxa uu ku dhawaaqay in Garbahaarey ay diyaar u tahay martigelinta qabsoomidda Doorashada Golaha Shacabka BFS maadaama la dhameeyay is qabqabsigii taagnaa.

“Guddiga Doorashooyinka qabanaya, Ergada iyo cid waliba oo imaaneysa Garbahaarey waxa aan kuso dhaweyneynaa gacmo furmo waana kala shaqeyneynaa fulinta heshiisyadii Doorashooyinka Dalka” ayuu yiri Guddoomiye Axmed.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa wareeyay xubno laga soo dhex xulay Degmada Garbahaarey oo Guddiga Doorashooyinka kala shaqeynaya howlaha horyaalla, waxaana uu ballanqaaday in uu garab taagan yahay sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho xor & xalaal ah.

Mustaqbal