Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Safiirada Midowga Yurub & Talyaaniga oo kala hadlay dhameestirka Doorashooyinka.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirrada Midowga Yurub iyo Talyaaniga ayaa looga hadlay dhammaystirka howlaha Doorashooyinka ka socda Dalka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilan oo nabad ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan Beesha Caalamka oo ay ugu horreeyaan Danjirayaasha Dowladaha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulamada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa diiradda lagu saarayay dhameestirka Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in la qabto 15 May 2022 oo ku beegan Axadda soo socota.