Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Bulshada Rayidka oo kawada hadlay Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS.

0

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS iyo Wakiilo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ayaa kawada hadlay Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kaalinta Bulshada Rayidka ku leedahay doorashada Madaxweynaha Federaalka oo loo asteeyay in ay dhacdo 15ka May 2022, wada shaqeynta Wakiilada Shacabka & Bulshada rayidka.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka oo kaalin mug leh dhib u dhiska dalka. Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada madaxweynaha dalka ee dhici doonta May 15, 2022” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kooban ee laga soosaaray kulanka dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Bulshada Rayidka.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Guddiga labada Gole BFS u qaabilsan Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS ayaa 5tii May 2022 ku dhawaaqay in Doorashadu ay dhici doonto 15ka May 2022, jadwal lagu dhaqangelinayo qabsoomidda Doorashadaas ayuu Guddigu soosaaray.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor