Guddoomiyaha Midowga Afrika oo xaalad karantiil ah galay, kaddib markii…

0

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa jimcihii shalay galay xaalad karantiil ah, kaddib markii mid ka mid ah shaqaalihiisa laga helay cudurka Coronavirus.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Guddiga Midowga Afrika ay xaqiijiyeen in mid ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa laga helay Coronavirus.

Mousa Faki ayaa uu sheegay in qofka shaqaalaha ee laga helay cudurkan uu ku jiro xaalad deggan.

“Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalaheyga laga helay cudurka COVID-19, xaalad degan ayuu ku jiraa, tallaabooyin taxadar leh ayaa qaadnay, waxaa nahay Karantiil aniga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha”ayuu yiri Mousa Faki.

Kiisaska laga diiwaan geliyay adduunka ee uu soo ritay cudurkan ayaa gaaray 553,200 oo qof, halka dhimashada ay ka badan tahay 27,000, dalka ugu badan ayaa noqday Talyaaniga, halka Spain uu yahay dalka labaad, iyagoo ka sara maray dalka Shiinaha oo la rumeysan yahay inuu ahaa dalkii uu ka soo bilowday cudurkan.