Ku simaha Madaweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason.
Kulanka Guddoomiyaha iyo Wakiillada ayaa diiradda lagu saaray “Xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay”. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjiraha Qaramada ayaa kulanka looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Qaramada Midoobe ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey dedaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira argagaxisada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha.