Guddoomiye Aadan Madoobe oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay sugidda Amniga goobta uu ka dhacayA shirka dib u heshiisiinta KG

0

uddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka Guddoomiyaha iyo ATMIS ayaa looga hadlay amniga guud ee Magaalada Baydhabo iyo kan nawaaxigeeda iyad oo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sii yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isaga oo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada Al-Shabaab, isaga oo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.”

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo la filayo in uu halkaas gaaro Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.