Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka BFS

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kullanka Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeeysa.

May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor

Kullanka guddiga waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa  looga hadlay qorshe howleedka guddiga oo ay ugu horeeyaan qaabaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada golaha iyo ajendeyaasha.

May be an image of 6 people, people sitting and people standing

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyay guddi hoosaadka Golaha Shacabka kuwaas oo soo diyaariyay qorshe howleedka kalfadhiga labaad ee BFS.

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmay 15-ka November 2022-ka, isaga oo furay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.