Guddoomiye Mursal: Xildhibaan adigoo ka fekeraya sidaad kusoo laaban lahayd beeshaada kursigeeda ha lumin

0
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sheegay kursiga meel kale loo bedelanayo in ay mustaqbalka keenidoonto in kursigaas beesha iska leh ay lumiso.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa xildhibaan kasta uga digay isagoo ka fekeraya sidii uu kusoo laaban lahaa inuu lumiyo kursiga beeshiisa, taasoo ku imaan karta marka uu kursiga geeyo meel beeshiisa looga tiro badan yahay, kadibna kursigaas looga guulaysto, halkaasna ay ku waydo beeshiisa matalaadeedii.
“Ha ogaado qofka maanta doonaya inuu kursigiisa meel kale geysto ama ku xawisho in kursigaas musqbalka ay beeshiisu lumindoonto,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo xildhibaanada arintaan uga digayay.
Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa yimid, iyadoo uu haatan muran xoogan ka taagan yahay xildhibaano kuraastooda u weeciyay degaano kale.

Xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, ayaa ogolaanaya in xildhibaanada kuraastooda geysan karaan degaan aan ahayn halkii lagu doortay markii hore, balse kursiga lagama saari karo dowlad goboleedka dhexdiisa.