Guterres: Malaayiin reer Afghanistan waxa ay qarka u saaran yihiin in cunno la’aan u dhintaan!

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutterres ayaa ka digay cunno la’aan heysata Malaayiin ruux oo reer Afghanistan ah, waxa uu sheegay in Dadkaas ay qarka u saaran yihiin dhimasho ka dhalata cunno la’aantaas.

Qaramada Midoobay waxa ay dalbatay in Bulshada Caalamka ay u istaago u gurmashada Dadkaan ku dhibaateysan Afghanistan maadaama dhaqaalaha Dowladda, kuwa Hay’adaha iyo gacansiinta Dowladaha kala duwan ay istaageen.

Antonio Guterres waxa uu sheegay loo baahan yahay lacag dhan $5 Bilyan oo dollar oo si gargaar ahaan loo siinayo Afghanistan, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaale & tan shacabka heysata sida uu hadalka u dhigay.

Afghanistan waxaa maamulka guud si rasmi ah ula wareegay Taliban oo ah Urur aan firfircooneen oo dagaal 20 sano qaatay la galay Mareykanka iyo Xulufadiisa la joogtay Dalkaas oo ugu dambeyn isaga guuray August 2021.

Dalal kooban sida Qatar ayuu xiriir kala dhaxeeya Taliban waa marinka muuqda ee gargaarka la raadinayo haddii la helo loo marin karo, sababta Kooxdaan & Xukuumadda Doha ay isugu dhawaadaan ayaa ah in ay martigelisay xubno ka qaybgalay wadahadalkii Mareykanka & Taliban.

“Waxa aan rajeynayaa in la helo gargaarka ay u baahan yihiin reer Afghanistan wax ka badan $1.2 Bilyan oo Doollar si looga badbaadiyo xiliga jiilaalka ee adag, Haweenka & Gabdhaha Afghanistan waxa ay waayeen Waxbarashadooda” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wixii ka dambeeyay 30kii August 2021 oo ku beegan waqtigii Afghanistan isaga baxeen Mareykanka iyo Xulafadiisa, guud ahaan Dalkana uu u gacan galay Taliban waxaa kordhay baaqyada is daba-joogga ah ee kasoo yeeray Qaramada Midoobay, waddamada reer Galbeed & Hay’ado kala duwan oo sheegay in xaalad adag ay ka jirto Afghanistan.