Guuleed “Waxaan ahay tartame cusub, waana la ii tijaabin karaa”

0

Guddoomiyaha xisbiga Sahan C/kariin Xuseen Guuleed oo todobaadkan la hadlay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu doonayo barnaamij dib u dhis ah oo dalka Soomaaliya ka hirgala.

C/kariin Guuleed oo la rumeysan yahay inuu isku soo sharaxi doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sanadkii 2017 arrimo caafimaad awgeed isaga casilay xilkiisii Madaxweynaha Galmudug.

Saddex sano kaddib oo uu saaxada siyaasadda ka maqnaa, dhowaan sheegay inuu dib ugu soo laabtay siyaasadda ayaa yiri  “Waxaan rabaa inaan mideeyo Soomaalida oo dhan, Waxaan hormarinayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, waa sida kaliya ee aan ku baabi’in karno saboolnimada, shaqo ugu abuuri karno dhallinteenna, ugana hor istaagi karno dambiyada iyo argagixisanimada”. ayuu u sheegay Daily Nation.

C/Kariin ayaa cadeeyay in uu doonayo Soomaaliya oo nabad kula noolaata dalalka dariska iyo guud ahaan caalamka.

Mr Guuleed wuxuu horey u ahaan jirey shaqaalaha gargaarka oo uu ka ahaa agaasimaha koox samafal ah, wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Soomaaliya xilligii dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud, kadibna waxa uu noqday madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.

“Waxaan noloshayda inteeda badan ku noolaa Soomaaliya, waxaan bartay lana shaqeeyey hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba 30-kii sano ee la soo dhaafay, Waxaan ahay tartame cusub, waana la i tijaabin karaa, ka sokow waxaan ku dhex leeyahay xiriir wanaagsan dowladda iyo maamul goboleedyada. ”

Mr Guuleed ayaa u sheegay Nation-ka inuu heysto rikoor muuqda oo ku aadan mideynta beelaha ku dagaalamaya Galmudug.

“Waxaan bartay inaadan xallin karin arrin kasta oo culeys ah haddii bulshooyinka ay kala shakiyaan, marka waxaan bilaabay barnaamijyo dib u heshiisiin oo dhexmaray Galmudug iyo Puntland, alle mahadii waan ku guuleystay”.

Tan iyo 2004-tii, markii dib u dhiska Soomaaliya uu bilaabmay dagaalladii sokeeye kadib, dadka cusubi waxay inta badan ku guuleystaan doorashooyinka, weligoodna Soomaaliya dib uma dooran Madaxweyne ay hore u dooratay, xaqiiqda ayaa ah inuusan Madaxweyne hore iyo hadda midna u ahayn Soomaaliya ayuu u arkaa fursad uu guul ku gaari karo.