Hadalkii Thaabit keddib, Ciidamo Nabad Sugid ah oo weli ku sugan Guriga Dowladda Hoose ee Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Dowladda ayaa weli ku sugan guriga Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir uu sheegay in halkaas ciidamada laga qaado isla markaana la ilaaliyo Xasilloonida.

Guddoomiyaha Cusub Cabdiraxmaan Yariisow iyo Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xalay kulan ku qaatay Muqdisho, wuxuuna Thaabit ka codsaday madaxda dalka in ay Ciidamada ka qaadaan xarunta maamulka Gobolka.

Ciidamadaas ayaa la geeyay Guriga dowladda hoose, habeen hore, waxayna la wareegeen Ammaanka iyadoo ay horay halkaas u joogeen ciidamo Boolis ah oo maamulka Gobolka ka amar qaata.

Hadalkii Thaabit uu madaxda dowladda uga codsaday in xasilloonida la ilaaliyo isla markaana ciidamada laga wado Guriga Maamulka gobolka waxba kama aysan soo kordhin sida muuqaneysa,

Thaabit ayaa xalay shir uu wariyeyaasha ugu qabtay Muqdisho ku sheegay in uu Aqbalay xilka laga qaaday.