Halkee Marayaa Mooshinkii ka dhanka ahaa Farmaajo, Handadaadse maku Joogsan doonaa??

0

Mooshin ka mid ah kuwii ugu xoogga badnaa ayaa laga wadaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana wada xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka, kuwaas oo ku eedeeyay in uusan u qaban howshii qaranka sidii loogu talagalay.

Xildhibaannada qaarkood oo ay soo xiganeyso Wakaallada Reuters ayaa waxay sheegeen Toddobaadkii dhammaaday in ay doonayaan in Madaxweynuhu uu is casilo haddii aysan dhicinna ay iyagu xilka ka ridi doonaan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu si xooggan uga gaabiyay howshiisa, isla markaana ay isaga iyo xukuumadda Xasan Cali Kheyre si fudud go’aanno aan Sahal aheyn ku gaareen.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha sida xooggan loogu dhaliilay, Cabburinta Afkaarta Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee aan Hubeysneyn oo ay ugu dambeysay Xariggii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dhiibista Sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax, Go’aano aan ka fiirsi laheyn oo ay ka qaadatay dadkii lagu dilay Bariirre ee Ciidamada Caddaanka ah ay ku laayeen iyagoo Beerahooda ku sugan oo ay Carruuri ku jireen.

Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin Gefaf la sixi karo in ay sii Jiraan, sida uu hadalka u dhigayna waxaa mudan in ay Talada Banneeyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Wasiirka Warfaafinta ayaa dhaliil dhinac la safasho ah u jeediyay Wakaaladda Reuters wuxuuna sheegay in Warkooda ay ka eegaan Labada dhinac, isla markaana aysan iyaga kasoo talagelin Mooshinka ay Mudaneyaashu sheegeen in Madaxweynaha ay ka wadaan, haddii taas wax laga weydiin lahaa ayuu sheegay in ay hayaan waxyaabo Muuqda oo ay dowladdu qabatay iyo in ay Been yihiin Eedaha loo jeedinayo.

Farmaajo iyo Kheyre ayey sida muuqata ku foorartaa Fallaartu, waxaana Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin kale ay filayaan in ay Talada banneeyaan maaddaama aysan waxba ka fulin Ballan qaadkii ay la galeen Ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa sheegay in aysan Handadaad ku joojin doonin, isla markaana ay doonayaan in sharcigu Sarreeyo sida ay hadalka u dhigeen.