Haweeney umushay toban carruur ah dalka Koofur Afrika (Sawiro)

0

Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah, ayaa ku dhashay toddobo wiil iyo saddex gabdhood kadib markii lagu sameeyay qalliinka Caesarean isbitaal ku yaal Pretoria, South Africa.

Aabaha carruurtan Mr Tsotetsi ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Pretoria News dhalashadii cunugyadan habeenimadii Isniinta, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay.

Mr Tsotetsi wuxuu yiri: ‘Waa toddobo wiil iyo saddex gabdhood. Waxay ahayd uur toddoba bilood iyo toddoba maalmood ah.

Mar ay la hadlaysay wargeyska ka hor dhalashada, Ms Sithole, oo waliba leh mataano lix jir ah, ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu markii hore u sheegeen inay uur lix caruur ahleedahay .

Laakiin baaritaan dambe ayaa muujiyay inay uur leedahay sideed cunug.
Waxay ahayd markii qalliinka lagu guda jiray in la arkay labada ilmood ee kale.

Ms Sithole ayaa umushay tobankan carruurta ah bil uun kadib markii haweeney reer Maali ah ay ku umushay dalka Marooko siddeed carruur ah.

Ms Cisse waxay ku umushay 5 gabdhood iyo afar wiil qalliinka qalliinka 4-tii Maajo qalliin adag oo u dhowaa inuu u dhinto dhiig bax.

haweeney umushay toban carruur ah dalka koofur afrika (sawiro)haweeney umushay toban carruur ah dalka koofur afrika (sawiro)