Hay’adda Lacagta Adduunka oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta.

0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dib u eegista 5aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta oo muddo dheer ay ku howlan tahay ka gudubka shuruudaha kala duwan ee la hordhigay.

Warbixin ay soosaartay Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa lagu sheegay in heerka qiimeynta ay ka gudubtay Soomaaliya, taasina ay ka dhigan tahay in guud ahaan shuruudahaas uga soo baxday sidii looga rabay.

IMF ayaa Soomaaliya ku amaantay in door muuqda ay ka qaadatay la shaqeynta Hay’adaha iyo ururrada kala duwan ee u xilsaaran dib u eegista iyo hubinta shuruudaha la hordhigay ee deyn cafinta gaar ahaan barnaamijka loo yaqaan ECF.

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa xustay in ka sokoow deyn cafinta Soomaaliya in ay ka shaqeysay xoojinta dedaallada lagu hagaajinayo maamulka guud ee Maaliyadda, horumarka dalka laga sameeyay & hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay go’aanka Hay’adda Lacagta Adduunka IMF oo waxa uu ku tilmaamay mid kusoo beegantay waqtiga loo baahan yahay, wax weliba ay ku socdaan dhabbaha saxda ah.

“Warbixinta kasoo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka IMF waa war u wanaagsan dhegaha Bulshada oo dhiirragelinaya hannaanka horumarinta maaliyadda Soomaaliya, arrimaha dib u habeynta maaliyaddu waxa ay ku socdaan waddadii saxda ahayd” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyada XFS.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxaana uu yiri: “Waxaa naga go’an in aan aragno guullo badan, inkasta oo ay jiraan caqabado waaweyn balse dedaal xooggan ayaan gelinay oo waana sii wadi doonnaa”.

Dalal badan ayaa dib u dhigay Deynta ay ku leeyihiin Soomaaliya, qaar kale ayaa cafiyay halka kuwo ururrada qaarkood ay soo gudbiyeen shuruudo kala duwan oo haddii Soomaaliya ay kasoo baxdo u ballanqaaday in ay deyntaas cafinayaan.

Soomaaliya ayaa ka qaybgashay shirar iyo kuwo ka kala dhacay Muqdisho iyo qaar kamid ah waddamada caalamka, waxaa marweliba la hubinayay in ay kasoo gudubtay shuruudaha la hordhigay si looga cafiyo deynta lagu leeyahay, halka qiimeyn joogta ah lala daba-joogo.