Hay’adda lacagta adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5aad ee Barnaamijka deyn cafinta

0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari, iyada oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shirar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.” Sida uu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay IMF ayaa lagu sheegay in Bankiga dhexe uu Hormar ka sameeyay maamulka Hay’adaha Dowladda “Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarinayaa maamulka hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta waaxda maaliyadda. Horumar ayaa laga sameeyay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.”

Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa daba socda shirka ku soo dhammaaday Makaalada Bishaan kaas oo diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.