Heshiis lagu maalgelinayo ganacsatada yar-yar oo maanta Muqdisho lagu kala saxiixday

0

Mashruuc dhan 20 Malyun oo lagu maal-galinayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ayna fulinayaan Bankiyada Ganacsiga ee dalka qaarkood ayaa maanta heshiis lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho

GARGAARA Company Limited oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya (Wasaaradda Maaliyadda), iyo Baanka Aduunka ayaa maanta heshiis maal-gelineed la saxiixday Bankiyadda Ganacsiga qaarkood.

Heshiiskaas waxaa lagu maal-gelinayo ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe, gaar ahaan dumarka iyo dhalinyaradda aanan fursad maal-galineed horey u helin si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka waqtigaan xasaasiga ah ee COVID-19.

Maal-galintaan oo ah wajigeedii koowad ayaa gaarayso 20 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo ka qayb qaadan doonta horumarinta iyo koboca dhaqaalaha oo horumuud u yahay Ganacsiga. Maal-gelintaan, waxaa ka faa’iideysan doona ganacsatada heerar kooda kala duwan ee Soomaliyeed, waxaana fulinaya Bankiyadda Ganacsiga ee buuxay shuruudihii iskaashiga iyo hanaanka hufan(Due Diligence) ee GARGAARA ugu tala gashay maal-galintaan.

Bankiyadda IBS Bank, Amal Bank, & Premier Bank ayaa heshiiskan la saxiixday GARGAARA Company Limited oo maal-gelintaan wakiil uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baanka Aduunka. Heshiiskan oo lagu fulinayo ilaa saddexda sano ee soo socoto ayaa waxuu xoogga saarayaa soo nooleynta ilaha dhaqaalaha muhiimka u ah dalka sida Beeraha, Kuluumeysiga, Xoolaha, iyo Tamarta. Waxaa kaloo maal-gelin lagu sameyn doonaa meelaha Caabuqa CORONA ay wax yeeleysay.

Dr. Cabdirisaaq Hassan oo ah Madaxa GARGAARA ayaa sharaxayo dhaqaalaha ku baxayo Mahsruucan, muhiimadiisa, iyo faa’iidada uu u leeyahay umaddeena, isla markaana Dowladda Soomaaliya iyo Baanka Aduunka ugu mahadceliyay taageerida maal-gelintaan…”cod”

Agaasimaha Fulinta Baankiga IBS Cabdullaahi Malin Ahmed( Saalax) iyo Maxamed Geeddi Jimcaale Agaasimaha Maalgalinta Premier Bank ayaa sheegay in ay ku fulin doonan mudada ay u qorsheysay dowladda maal-gelintaan,,,Cod

Talaabadan ayaa ah mid dhinacyo badan ay uga faa’iideysan doonan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana dhaqaalaha dalkeena ahmiyad weyn ugu fadhiso, iyadoo fursadan ay tahay mid ay u siman yihiin shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay dalka ka joogan, ayna u gaarto si siman Maal-galintan.