Ciyaaryahanka Reer Brazil ee Khadka uga dheella Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ee Fábio Henrique Tavares (Fabihno) oo ay daneyneyso Kooxda Kubadda Sacuudiga ee Al-Ittihad ayaa ka dalbaday in loo caddeeyo mowqifka la xiriira eeyihiisa.
Waxa uu Fabihno sheegay in uu heysto labo Eey oo uusan ka maarmin la jirkooda balse uu doonayo in Kooxda cusub ee loo badinayo in uu ku biirayo in ay u caddeyso mowqifka la xiriira in uu wadan karo iyo in kale.
Waaya-aragga jira 29 sano ee dhexda u maamulaya kooxda Cas ee Liverpool ayaa lacag soo indha jiidatay waxaa usoo bandhigtay Kooxda Sacuudiga ee rabta in ay is xoojiyo maadaama kooxaha kale ay ciyaartoy magac iyo saameyn leh keensadeen.
Sida ay ku warrantay Shabakadda la yiraahdo Express, Fabinho waxaa welwel ku haya mustaqbal labada eey uu gacanta ku hayo oo haddii loo diido saameyn weyn ku yeellan karta heshiiska qabyada ah.
Halis aad u adag ayuu ku tilmaamay ciyaaryahankaan in uu labadiisa Eey ka tago isaga oo fiirsanaya dhaqaalaha badan uu ku qaadanayo qandaraaska uu la galayo Kooxda Kubadda Cagta ee Al-Ittihad ee Sacuudiga.
Fabinho waxa uu muujiyay in haddii labadiisa Eey looga ogol yahay in uu u rarto Sacuudiga in uu soo dhaweynayo ku biirista Kooxda Kubadda Cagta Al-Ittihad balse haddii loo diido arrintu ay noqon doonto xaalad murugadeeda wadata.
Waddanka Sacuudiga waxaa mamnuuc ka ah in Eeyda lagu dhex heysto ama lala maro waddooyinka iyo goobaha ay isugu tagto Bulshada, halka Ciyaartoy uu kamid yahay Fabinho ay aaminsan yihiin aanay la’aanta Eeyahooda socon karin ama guriga joogi karin.
Haddaba, suuragal ma tahay in heshiiska Ciyaaryahanka reer Brazil ee Fabinho iyo Kooxda Kubadda Cagta ee Al-Ittihad uu u burburo sabab la xiriirta Eeyihiisa?