Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo dib u bilaabeysa Bixinta Baasaboorka

0

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay inay dib u bilaabayso howlihii bixinta baasaboorada oo hakad ku yimid kadib markii uu ka dilaacay cudurka Covid-19 dalka Soomaaliya.

Bixinta baasaboorada ayaa la sheegay inuu bilaabanayo maalinta berry ah oo ku beegan 12ka bisha July 2020,Hase yeeshee dadka soo doonanaya baasaboorada ayaa laga doonayaa inay raacaan qoddobo la xiriira kahortagga waxyeelada caabuqa COVID-19.

Amaradan cusub ayaa sidoo kale waxa ay saameynayaan goobaha laga bixiyo baasaboorada oo laga doonayo in ay qaabisho boqolkiiba konton.

Sidoo kale dadka ayaa laga doonayaa in Muwaadin walba oo imaanaya xarumaha bixinta baasaboorka laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi ”Gloves” marka uu soo galayo xarunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

Sidoo kale qofkasta waa inuu ilaaliyaa kala fogaanshaha ”Social Distance” iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago goob loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.