HORYAALKA ENGLAND!! Leicester City Oo Ku Guuleysatay Markii Ugu Horeysay Taariikhda Horyaalka Ingiriiska

0

Leicester City ayaa u dabaal dagtay hanashada horyaalka Ingiriiska kadib markii Tottenham Hotspur ay ku kuftay garoonka Stamford Bridge kulan barbardhac ku dhamaaday, inkastoo ay wiilasha Pochettino la hormareen laba gool qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa laga daba keenay.

Sibxashada Spurs waxey ka dhigan tahay ineysan soo qaban karin si walba Leicester oo haatan ka sareysa 7-dhibcood, kaliya 2-kulan ayaana ka haray horyaalka Ingiriiska.

Layaabka ugu badan ayaa ka taagan in Leicester City xagagii hore waqtigaan ay aheyd koox ka carareysa u laabashada heerka labaad, balse xagaagan waxey kooxaha Man City, Chelsea, Arsenal, Man United, Liverpool iyo Tottenham ku garaacday hanashada Horyaalka Ingiriiska.

Claudio Renieri ayaa noqday macalinkii sideedaad ee ku guuleystay horyaalka Premier League tan iyo markii magacaan loo bixiyay 1992.

Leicester City waxey kulamo baashaal ah la ciyaari doontaa Everton iyo Chelsea todobaadyada soo aadan waxeyna kulanka ugu dambeeya la ciyaari doonaan Blues, halka kulanka isbucaan soo aadan ay King Power Stadium kuso dhaweyn doonaan Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here