Inkabadan boqol askari oo Ethiopian ah oo magangalyo weydiisatay dowlada Sudan

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan.

Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xiray ee Darfur.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xiriira xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray.

Bishii Febraayo ee sanadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan koox kale oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Tigray ay diideen inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.

Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha intii lagu gudajiray dagaalka lix biloodlaha ah

Sabtidii madaxa kaniisada Orthodox ee Itoobiya – laftiisuna waa qoomiyadda Tigreega – wuxuu sheegay in dilkii ka dhacay gobolka Tigray lagu tilmaami karo xasuuq.