Ismoog! Faallo Xasaasi ah

0

Mar waxay korayaan fadhiga dushiisa, mar waxay ku boodayaan kursiga, marna daaqadda gaaban ayay u cirbadhiibsanayaan. Waxay farxadda u wareejinayaan sida ay marwaxaddu u wareejiso hawada. Waa waqtiga aan isku soo harno aniga, Nuur iyo Nimco. Iraad oo ka weyn mataanahan, waxa uu jiraa dugsiga halka Istaahil oo curaddayda ah bilawday dugsiga dhexe.
Haddii aan dib u xusuusto meeshii aan iska helnay aniga iyo carruurtaydu, waxaan dareemayaa farxad iyo khajil wada jiro.
Waan xusuustaa galabtii uu aabbe ka soo hormaray waqtigiisii caadiga ahaa. Markay hooyo u diyaarisay shaahiisa caanaha lagu kariyay, ayay weydiisay farxaddiisa aan dabiiciga ahayn. Anigoo albaabka taagan, ayuu i maqashiiyay magac aan ka diday. “Faadumo” ayuu ku ekeeyay oo Ilaahay mahadiyay dhawr jeer kuna salliyay Nabiga NNKH.
Waan soo dhaqaaqay oo weydiiyay “Aabbe, ma arladaa nabad ka dhacday, waa maxay sida aad u faraxsan tahay?” “Nabad waan sugaynaa” ayuu ku ekaystay. “Haddaa, waa maxay farxadda kaa muuqato?” ayaan ku celiyay. “Eeddadaa Faadumo” ayuu yiri mar kale.
Waxaan soo xusuustay beeraha Afgooye markaan ciidda u tagno, siday geedaha nooga soo dajin jirtay, intay canaan kulul dabada noo qabato! “Ma dhimatay?!” ayaan weydiiyay, anigoo ka naxay kelmaddaas markii dambe. “Wiilkeedii weynaa ayay kuu soo doontay” ayuu yiri oo shaahiisii kabbaday.
Dhulka ayaa ila gariiray, gariirkiisana waxaan ka dareemay saliilyada gowsaha dambe. “Maxaa tiri aabbe?” ayaan weydiiyay, anigoo taagnaan la`. “Waan ku siiyay’ wuxuuna sii raaciyay “Waxaan Ilaahay ka baryay in uu wax kuugu daro xidid kheyr leh, wuuna iga aqbalay.” Waxa uu ku xamdiyay Ilaahay dhawr jeer oo kale…
“Aabbe, Ilaahay ka bari Janno oo cadaab ka magangal! Maxaa aniga iigu Alle tuugaysaa, ma culays ayaan kugu hayaa?” markay intaaasi afkayga ka soo fakatay ayaan is xasuustay isna qabtay! “Way imaanayaan ee dhar wanaagsan xiro.” ayuu yiri oo kabbadii ugu dambaysay ee shaaha fiiqsaday.
Eeddo Faadumo iyo canaanteedii kululayd ayay maskaxdaydii dib u naqtiintay. Dhulka ayaa ila wareegay! Oohin illinteedii wadata ayaa igu soo degtay! Intayna afkiyo isha soo dardarin ayay naftaydu isla hadal iyo talo ku dhaqaaqday. “Oohin maxay ii tari?.. Waxba! Sideed yeeshaa, oo aad lafahaaga uga badbaadisaa in Eeddo Faadumo sodoh kuu noqoto… Yaa aabbo igala hadla… Hooyo cid kuu dhaantaa ma jirto, ee iyadu aabbo ha kaala hadasho… Waa sax, aabbo ha kaala hadasho.”
Intaan dhankii hooyo jalleecay ayaan ku beerlaxawsaday “Hooyo la hadal aabbe….” Intaan hadalka dhammeeyaba igama sugine “Aniguba waan kula jeclahay reer wanaagsan” ayay iga hor keentay!
Waxaan galay qolkaygii jiifka, waxaana hoosta ka soo xirtay albaabkii. Waan ooyay, oo ooyay…
Habeenkii aan u soo wareegayay gurigan, waddada Afgooye iyo Xamar way igala soo gaabatay sidii hore. Markii aan tagnay gurigii eeddo, waxaan eegay meelihii aan ku ciyaari jiray. Waxay iigu muuqdeen boholo aan waligood la degin. Wiifowgii aan fuuli jiray, xariggiisii ayaa ila noqday xariggii daldaadda.
Markii aan galay qolkii la ii diyaariyay, alaabta oo dhan way cusbayd haddana duug ahayd. Anigoo dul qotomo sariirtii oo iska ilaalinayo dhaqaaq ayuu soo galay ninkii lay soo afduubay! Suuqa oo nagu dhow darteed, shanqarta albaabka waxay ku dhex milantay tii buuqa suuqa. Nalkii daciifka ahaa dhexdiisa ayay indhahaygu qabteen garbihiisa ka soo muuqday jirkiisa intiisa kale. Naftayda ayaa iskula sheekaysatay “Dhib iiguma filna miyaa in aan Eeddo Faadumo xukunkeeda hoos tago, waa maxay gooriilahan aan ugu soo galay godkiisa!” “Ma cashaysay?” ayuu ku yiri cod dib ii xusuusiyay gariirkii dhulka. Maqalka codka ayaan ku dhigay dharkii carruurnimada oo aan ku xirtay dharkii masuuliyadda.
Toddobaad “waayihiisa leh” ka dib, waa Eeddo Faadumo iyo caadadeede, waxay amartay in salli la fidiyo, ka dib la sii dulsaaro kursi la iigu talaggalay. Yaab! Waxaan u qaadan waayay badida haweenka goobta isugu yimid. “Ma waxay isugu yimaadeen inay arkaan in aan wali noolahay iyo in kale”! Indhaha ayaan ka mirig mirig siiyay… Indhahaygu waxay qabteen maradii guduudnayd ee qaabka shaashka lahayd ee la ii soo xiray.
Eeddo Faadumo ayaa dumarkii goobta dhoobnaa ka soo dhex baxday. Shaash ka guduud badan marada aan xiranahay, intay bacdii ka fiiqday, oo afartiisa gees igu wareejisay ayay madaxa iigu duubtay. Waa adduunyo iyo orodkeedee, Istaahishaas albaabka ka soo galayso ayaa ugu horreeysay afartayda carruur.
“Hooyo, maanta sidee buu kuu ahaa imtixaamku?” ayaan weydiiyay. “Aad buu u adkaa” ayay markiiba la soo booday.
Adaygaas imtixaamka Istaahil ayay la mid tahay noloshu; laakiin, waa in aan ku baasnaa, waxay nagu qaadaba. Afar iyo toban sano oo ay Istaahil jirto iyo sannadkii aan uga soo horreeyay ee aan ku qaatay gurigan la dariska ah suuqa, waxay ii ahayd sannado midabbo badan leh.
Waa kaas Iraadna yimid. “Hooyo, maad guluusyada isku aadisatid?” Anoon jawaabba ka sugin Iraadna, intaan Istaahil jalleecay ayaan ku iri “Gacmihiisa waa wada khad ee ka soo dhaq Istaahilay”.
Shan iyo tobankaas sanno dhexdoodo ayaan isku helnay aniga iyo afartayda carruura. Guurku waa sidii murxaha buneed. Mar la dubayo, mar la ridqayo, mar kalana la karinayo… laakiin ugu dambayn nolosha dhammaystirayo.
Sannadadaas dhexdooda, eeddaday waxay dhaqangelisay sodohnimada in ka badan eeddanimada. Way xukun adag tahay, laakiin, way qalbi fiican tahay. Qalbigeeda waxa uu u cad yahay sidii caanihii, taas oo aan ku bartay sannadihii aan la qaatay.
Maalinkii aabbe igu lahaa, wiilka eeddadaa baan ku siiyay, waa qurux badnaan lahayd haddii la i siin lahaa jadwalka noloshayda oo ay ku qoran yihiin xataa magacyada carruurtaydu.
Laakiin, waxaa huran in aad marto nolosha baalasheeda ismoog!

W.Q Saynab Xaaji Axmed “Baxsan”