Itoobiya: Daanyeer & Doofaar oo Gaajo awgeed Carruur weeraray!

0

Itoobiya, Soomaaliya & Kenya waa saddexda Dal ee ugu badan Qaaradda Africa ee saameynta taban ku reebtay Abaarta ka dhufatay, dhowr Xilli roobaadkii ugu dambeeyay si fiican uguma da’in halka meelaha qaar dhibicda yar aanay gaarin.

Saacad kasta waxaa ku dhinta Dad Gaajo (Cunno la’aan) & Biyo La’aan heysata oo itaalkii gabay, qaar kale ayaa isugu tagay Xeryo Barakac oo ay ku sugayaan Hay’ado kala duwan si ay uga helaan Gargaarka ay ka filayaan.

Maalin weliba dhacdo ka xannuun badan kuwii hore ayaa ka dhaca waddamadaan, todobaadyo kahor waxaa aad loo hadal hayay Xaawo Keerow oo cunno la’aan awgeed dhuunteeda marisay Dubka Geedaha.

Waxaa xigtay Xirsiyo Maxamed oo 4 Cisho u gashay Safar ugu dambeyn ay ku tagtay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo balse degmadaas gaartay iyada oo ay ka geeriyoodeen 2 kamid ah 8 carruur oo ay dhashay Cunno & Biyo la’aan Darteed.

Haddaba Maxaa kala socotaa Sheekada ku Saabsan Daanyeerka & Doofaarka Carruurta ku weeraray Itoobiya Gaajo Awgeed?

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Itoobiya waxaa ka dhacay Weerar ay geysteen Raxan Daanyeer & Doofaar ah oo duurkii ay joogeen ku waayay wax ay cunaan ama cabbaan kaddibna beegsaday Carruur.

Hay’adda Save The Children oo soo xiganeysa qaar kamid ah Waalidiinta billaabay in ay ka fogaadaan deegaamada ay ku badan yihiin Duur-joogta ayaa sheegtay in cabsida ay timid kaddib markii abaartu darsatay.

“Dabci ahaan, Daanyeerku inta badan ma weeraro Dadka, balse xaaladda oo xun awgeed waxa uu lasoo baxayaa Dhaqamo aan Caadi ahayn sidaan oo kale, waxa muuqda waa xaalad naxdin leh” Sidaasi waxaa yiri Maamulaha Save The Children ee Gobollada Bari.

Qof ku nool Itoobiya, Soomaaliya & Kenya ayaa dhinta 48dii ilbiriqsi!

Biyo iyo cunno la’aanta oo ay usii dheer tahay Dadkaan in Xoolihii ka dhammaadeen, Beerihii oo qalalay iyo jirkooda oo is baddelay ayaa sabab u noqday in maalin weliba ay geeriyoodaan Dad qaar oo macluul heyso.

Warbixinno kala duwan oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyay in haddii uusan roob da’in ilaa September 2022 in xaaladdu ay kasii dareyso, tirada Dadka Abaartu saameysay ayaa sii kordheysa maadaama Gargaar dhammeystiran aan loo helin.