Waxaa sii kordhay kiisaska Covid-19 ee Itoobiya xilli waddanka uu ku jiro xaalad dagaal oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Kooxda TPLF oo garab ka heleysa Maleeshiyaad deegaanka ah si ay u qabsato dalka.
Itoobiya ayaa diiwaanka ku dartay 155 Xaalado cusub kaddib markii baaris lagu sameeyay dad looga shakiyay in uu haleelay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus galaafta nolosha Malaayiin ruux guud ahaan Caalamka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska Covid-19 ee laga helay Dalkaas ay sii murjinayaan xaaladda dalkaan dhaca Bariga Afrika oo xasilooni darro amni & arrimaha Bani aadamnimo oo kasii daray todobaadyadii lasoo dhaafay.
Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay Xaaladda Itoobiya, dagaalka sanad jirsaday ayaa sababay dhimasho, dhaawac, Barakac & burbur hanti iyada oo aan weli heshiis laga gaarin dagaalkaas.