Itoobiya oo rabta in Somalia ay siyaasad kula wareegto

0

Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad marka loo yaabo in la qabsado waa MARKA:

  1. Wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn.
  2. Dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo ugu adeegaya danaha cadowga san-dareerto yar awgeed.
  3. Madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur.
  4. Ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada si aan looga hortegin halis qaran oo soo fool leh.
  5. Wadaninimo-xumada iyo damiir la’aanta Somalida ay gayaysiiso in cadowga jiritaankeeda lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, Shalayse waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Qawaaniintii caalamka Shalay way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Shalay adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Shalay Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Aby Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Aby Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Mid kalena waxaa uu yidhi: “Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada Shalay halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo.

Ibrahim Hassan Gagale – Waxaad kala xiriiri kartaa ibrahim_hg@yahoo.com

#Mayahaldal #Mayahalcalan #Mayahaldawlad #Mayahalpassport