James Swan oo Dhuusamareeb u tagaya xal ka gaarista Khilaafka Doorashada.

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta DG Galmudug waxaa maanta tagaya Ergayga Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya James Swan si uu ula kulmo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ku xigeenkiisa & madaxda Dowlad Goboleedkaas.

James, socdaalkiisa Dhuusamareeb waa qayb kamid ah kulamo uu dhawaan bilaabay in uu xal ugu raadiyo khilaafka hortaagan Doorashada Soomaaliya oo muddo ahaan dib uga dhacday 2020 oo lagu ballansanaa in la bilaabo doorashada Labada gole ee BFS.

Safarro ayuu todobaadyadii lasoo dhaafay Swan ku tagay Baydhabo oo xarun KMG ah DG Koofur Galbeed & Garoowe oo ah magaalo Madaxda DG Puntland, halka Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland uu telefoonka kula hadlay.

Qorshaha James Swan ayaa ah in uu todobada cishe ee ka dhiman bishaan Janaayo 2021 uu kusoo gaba-gabeeyo xal ka gaarista & dhageysiga talooyinka saamileyda Siyaasadda ee saxiixday heshiiskii Doorashada 17-ka September 2020.

14-Cishe ayaa kahorsan muddo xileedka Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah waqtiga ugu dambeeya Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, maadaama la doortay 8-dii Febaraayo 2017-kii, waxaana halkaas ku idlaaneysa 4-ta sano ee dastuuriga ah.

James Swan maxaa u qabsoomay maalmaha kooban?

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa suurageliyay in ay xiriir telefoon sameeyaan Madaxweyne Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland & Koofur Galbeed si ay ugu xaajoodaan kala qaybsanaanta ka dhex jirta, maadaama Puntland & Jubbaland aysan soo gudbin Guddiga ku metalaya Doorashada.

James waxa uu ballan siyaasadeed ka heystaa Madaxda DFS, halka Midowga Musharixiinta uu la kulmayo marka uu kasoo dhammaado safarrada uu ku tagayo xarumaha Dowlad Goboleedyada si tabashadooda uu iyanna u dhageysto.

Maxaa keenay in Qaramada Midoobay Ergaygeeda Soomaaliya uu faraha la galo arrintaan?

Shaqsiyaad kala duwan oo intooda badan si dhaw ula socda Xaaladda Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in sababta keentay in uu Danjire James Swan uu faraha la galo xal ka gaarista ay ka dhalatay kadib markii dabac siyaasadeed laga waayay dhinacyada isku khilaafsan hab maamulka Doorashada oo tabashadooda meel ku dheg ka dhigay.

Haddaba, James Swan miyuu xal rasmi ah ka gaari doonaa xalinta khilaafka hortaagan Doorashada Soomaaliya mise waa uu ku guuldareysan doonaa?

Mustaqbal.