Jowhar oo maanta lagu dooranayo 3da kursi ee ku harsan DG Hir-Shabeelle.

0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada saddexda kursi ee ku harsan DG Hir-Shabeelle oo kala ah: HOP#135, HOP#141 & HOP#146.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle oo shaaciyay doorashada kuraastaan ayaa diyaariyay Doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacdo oo ay ku tartamaan musharixiinta isu diiwaangelisay.

Kuraasta Doorashadoodu maanta lagu qabanayo waxaa kamid ah HOP#135 oo ay ku fadhisay AHUN Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne 23kii Maarso 2022.

HOP#135 oo deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo wareejiyay Jowhar oo ah Caasimadda DG Hir-Shabeelle si loogu daro labada kursi ee lagu wado in la doorto.

HOP#135: Kursigaan waxaa ka geeriyootay AHUN Aamina Maxamed Cabdi.

HOP#141: Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku fadhiya.

HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

DG Hir-Shabeelle ayaa noqonaya Dowlad-goboleedkii ugu dambeeyay ee doorta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee saami ahaanta uga soo aaday.