KASHIFAAD: Dal Carbeed Oo Taageero Uballan Qaaday Madasha Xisbiyada Qaran

0

Kadib Dhaartii Xalay uu soo gudbiyey Madaxweynihii Hore Ee Dawladii Kumeel gaarka Aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa abuuray Jawi Siyaasadeed oo dalka dhan saameyn ku yeeshay.
Kacdoon Bulsho ayuu Abuuray iyo Fikir Qabyaalad ku dhisan oo dadka qaar ay Caadifad ku taageereen Sheekh Shariif.
Hadaba Madasha Xisbiyada Qaran waxay ku Doodeysaa inay marnaba iyagu usocon in dalka dhibaato iyo Qalalaaso ka abuuraan balse ay Sharciga lagu tumanayo ay diidan yihiin.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dawlada Imaaraat-ka Carabta ay lasoo xiriireen Sheekh Shariif ayna Macquul tahay dhawaan inuu aado Magaalada Dubai oo lagu casuumay.
Safarkaasi waxaa macquul ah inuu hore uraaco Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Waayahaan Siyaasad ahaan is taageersan yihiin.
Imaaraat-ka ayaa Mucaaradka Dawlada Soomaaliya soo dhaweysanaya maadaama uu dagaal kala dhaxeeyo Madaxda Soomaalida hadda hogaamisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hub iyo Saanado kale loo ballan qaaday Madasha Xisbiyada Qaran,Dhaqaale ayaa sidoo kale lasiin doonaa Mucaaradka Dawlada Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa Hadal Adag kula hadlay Madaxda Villa Soomaaliya oo fal celinta ka timid dad badan ay si kale ufasirteen.