Kenya oo Fursad Muhiim ah siisay Al shabaab

0

Dowlada Kenya ayaa siisay xubno kamid ah Al shabaab oo ku sugan dalkeeda, kuwaasi oo Dhalinyarada u qoro Al shabaab, si Weeraro uga fuliyaan dalkaasi Gudahiisa.

Nelson Marwa, oo ah isku-daba ridaha Gobolka Xeebta ayaa sheegay inay dowladda Kenya kordhisay Cafiska Xubnaha Al shabaab, waxaana loo diyaariyay fursado kala duwan oo Noloshooda ku horumarin karaan.

Wuxuu sheegay in qof kasta, oo kasoo baxo Al shabaab, oo u hogaansamo Cafiska loo fiday aanay xirin doonin Ciidamada amaanka, sidoo kalena aan lasoo taagi doonin wax maxkamad ah.

Hadalka Nelson Marwa, ayaa wuxuu imaanayaa xilli Bishii May ee lasoo dhaafay uu dhamaaday Cafiskii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery u fidiyay March 2015 dhalinyarada u dhashay dalkaasi ee kamidka ah Al shabaab.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya soo galeen Somalia Bishii October 2011, Al shabaab ayaa weeraro badan ka fuliyay gudaha Kenya, kuwaasi oo keenay inuu xirmo Dalxiiskii dalkaasi, oo dhaqaalo badan kasoo gali jiray.

Xogdoon News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here