Boliiska magaalada Mandhera, ayaa ugu baaqay shacabka degmadaas inay ku soo wargalliyaan cid kasta oo ay u arkaan inay amaanka lidi ku tahay, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee degmada Mandheera iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.
Taliyaha ciidanka degmada Mandheera Fredrick Shisia, ayaa sheegay wada shaqayn dhex martaa boliiska iyo dadka deegaanka in taasi ay keeni karto in gacanta lagu soo dhigo shaqsi kaste oo ka tirsan Al-shabaab.
“mudo sanad ah kama dhicin Mandheera weeraro argagaxiso, taasina ay ku timid wada shaqayn dhex martay shacabka iyo ciidanka amaanka”ayuu yiri Fredrick Shisia.
Hadalka Mr Shisia, ayaa ku soo aadaya xili sare loo qaaday amaanka guud ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya kadib markii sanadkii hore ay ka dhaceen weeraro lagu eedeeyay Al shabaab oo gaystay Khasaaro badan