Kenya oo Kismaayo kusoo rogtay xayiraad dhinaca duulimaadyada ah

0

War kasoo baxay Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa amaro cusub oo dhinaca duulimaadka ah lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ee ku wajahan Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Amarkaan ayaa lagu shaaciyey in Diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca Amniga.

14-kii Bishii la soo dhaafay ee November ee sanadkaan 2019 ayaa kulan ay Magaalada Naiirobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in Diyaarada ka baxda Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi, waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.

Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka Jubaland, waxaa haatan saaran xayiraad dhanka duulimaadka ah oo ay kusoo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn maamulkaas.

Go’doominta oo ah in diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho ayaa waxaa shaqooyinkooda ku waayey boqolaal, halka ay sarre u qaadey qarashka duulimaadyadda.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Axadii lasoo dhaafay tegay Nairobi, isaga oo la kulmay siyaasiyiin iyo madax.

Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa xiriir dhow la leh Axmed Madoobe, waxayna ka taageertay in Al-Shabaab laha saarey Kismaayo sanadka markii uu ahaa 2012-kii.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibaato waxaa ay kala kulmaan sii marista Magaalada Wajeer oo si weyn loogu baaro,waxaana dhowr jeer Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi, balse Kenya ay ka baxday Kenya.