Kenya oo ku jirta qaban qaabada heshiis ay Soomaaliya xayiraada uga qaadayso Qaadka Miirowga

0

Dowladda Kenya ayaa ku jirta qaban qaabada shir todobaadka soo socda lagu qabanayo Nairobi, kaas oo labada dowladdeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku kala saxiixandoona heshiisyo ganacsi oo uu Qaadka ku jiro.

Heshiiskaan ayaa lagu saxiixidoonaa shirka urur goboleedka IGAD ee ka dhacaya magaalada Nairobi, sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin Kenya katirsan.

Dhoofinta Qaadka Miirowga ee Kenya ayaa qeyb ka ah heshiiskan, iyadoo Kenya iyo Soomaaliya uu dib u soo laabtay sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Kenya ayaa sheegtay xayiraada Soomaaliya ay kusoo rogtay ganacsiga Qaadka ee dalkooda, inuu si weyn u saameeyay dhaqaalaha Kenya iyo dakhligii beeralayda.

Kenya waxay sheegtay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay  dib u bilaaban doonaan todobaadkan.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay beenisay jiritaanka warar sheegaya inay ka heshiiyeen iyaga iyo Kenya in Qaadka laga qaado xayiraado saaran.