Kenya oo si jees jees ah ula hadashay Somalia

0

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Cabashadda xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo oo loo diiday in Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi laga siiyo Visaha dal ku galka dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in dhammaan Mas’uulinta ay Safraan, islamarkaana aysan jirin Cid Viiso la’aan dooneyso in ay soo gasho dal.

“Dhammaanteen waan safarnaa anagoo fiiso wadana, sidaas darteed haddii aad fiiso la’aan safreyso aad ayey u dhib badan tahay inaad gasho dal, waana ugu adkaan doontaa” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica

Wasiirka ayaa diiday in ay bixiso faahfaahin intaasi ka badan, waxaana ay sheegtay in go’aanka dowladda Kenya uu sidaasi yahay hadduu jiro qof doonaya dal in uu Viiso la’aan taggana la arki doono.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka dib loogu soo celiyo Wasiir Kuxigeenka Tamarta Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo laba Senator oo ka tirsan Aqalka Sare, kuwaasoo kala ahaa Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir, maadaama loo diiday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto Visaha dal ku galka.