Kooxda HR ee QM Somalia oo qabanaysa carwo bandhig mihnadeed dhanka khadka ah

0

Taariikhda kaydso

 CARWADA MIHNADDA QM

 Maajo, 19-20, 2021

 The article in Somali.

Kooxda HR ee QM Somalia oo qabanaysa carwo bandhig mihnadeed dhanka khadka ah

Qaybta Khayraadka Dadwaynah ee QM Somalia ayaa qaban doonta carwo 2-maalmood ah oo lagu soo bandhigayo mihnadda qofka inta u dhaxaysa Maajo 19ka-20ka 2021. Carwada ayaa fursad u noqon doonta dadka oo heli doona qaab ay ku ogaadaan sida ay QM shaqaalaha u qorato, dhaqanka, qiyamka la wadaago iyo kartida loo baahan yahay; iyo xogta guud ee la wadaago taasoo kordhin doonta fursadda ay dadka aqoonta leh ee Somalia ay mihnad ugu yeelan karaan QM.

Waxaa carwada kasoo qaybgeli doona hay’aadka QM oo dadka la wadaagaya agab, tas-hiilaad iyo taageero kale oo lagu raadsan karo shaqooyinka bannaan, geeddi socodka araajida iyo hab-raacyada, sidoo kale xogaha guud ee waraysiyada QM iyo qaababka xulashada loo maro.

Si aad isu diiwaan geliso, fadlan guji mareegtan hoose:

Si aad uga qayb gasho Carwada dhanka Khadka ah Arbacada, Maajo 19, 2021, 9:00 am, Aminta Bariga Afrika, iska diiwaan geli halkan

  • Si aad uga qayb gasho Carwada dhanka Khadka ah Khamiis, Maajo 20,2021, 9:00 am, Aminta Bariga Afrika, iska diiwaan geli halkan.