Labada Gole BFS oo maanta iska dhex xulaya Guddi KMG ah oo kasoo shaqeeya Miisaaniyadda DFS ee 2022.

0

Labada Gole ee Shacabka & Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa maanta iska soo dhex xulaya xubno noqonaya Guddiga KMG ah ee ka shaqeynaya Miinaasiyadda Dowladda 2022.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku wargeliyay arrintaan ayaa ka codsaday in mas’uuliyad iska saaran sidii loo heli lahaa xubnaha Guddigaan.

Aadan madoobe waxa uu intaas ku daray in Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS dhawaan billaabayaan in ay iska dhex xulaan Guddiga si ay uga soo shaqeeyaan ajendayaasha kahor inta aan fadhiyadooda la dhex geyn.

Waxa uu Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan waqtiga iyo mas’uuliyadda ka saaran u adeegista shacabka doortay oo ay wakiilka ka yihiin si meesha looga saaro maqnaashiyaha badan iyo ka dib dhicista fadhiyada.

Baarlamaanka Federaalka waxaa horyaalla hindise-sharciyeedyo kala duwan oo qaarkood qabyo u ahaa Baarlamaankii 10aad ee JFS & kuwo kale oo cusub, guddoonka labada Gole ayaa sheegay in mar haddii ay dhammaatay Doorashada ay guda-galayaan fadhiyadooda.