Labo walaalo ah oo ku dhintey wabiga iyo dil ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo wiil oo walaalo ah ay ku dhinteen wabiga Shabelle ee mara bartamaha magaaladaas.

Meydka labadan wiil ee walaalaha ayaa laga helay wabiga xalay kadib markii ay gelinkii dambe ee shalay uu qaaday wabiga.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wiilashan ay ku dabaalanayeen wabiga balse markii dambe uu la tegey.

Dhinaca kale askari ka mid ah ciidamada dowlada ayaa lagu diley xalay magaalada Beledweyne.

Askariga la diley oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxmuud Qeeyliye ayaa xilliga la dilayay waxaa uu saarnaa Mooto Bajaaj mareysay Xaafada Kooshin, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay horay u sii qaateen hubkii uu watay.

Dilka kadib ay goobta waxaa tagay Ciidamada Booliska, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Askariga, sidoo kale sameeyay howlgallo baaritaan ah.

Weli si rasmi ah looma oga cida ka dambeeyay dilla askariga, balse inta badan dilalka noocan oo kale ah waxaa fuliya dagaalamayasha Alshabaab.