Liiska xildhbaannada Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo la filayo in maanta lagu dhawaaqo

0

Wararka ka imanaya Magaalada  Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay halkaa ka socoto u diyaar-garoowga ku dhawaaqista Liiska xubnaha xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka la filayo in uu soo doorto madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa horey u gudbisay 20 ka xildhibaan ee uga mid noqonaya Baarlamaanka waxaana meel mariyay xildhibaannada oo markii danbe wareegto ku soo saaray guddiga farsamadaha dhismaha Galmudug.

Liiska maanta lagu wado in lagu dhawaaqayo oo ah tirada dhaman ee xildhibaannada cusub ayaa dood dheer kaddib la sheegay in ay isku afgarteen odayaasha saxiixayaasha ah iyo guddiga farsamada.

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dhawaan Dhuusa-Mareeb u tagay sidii loo dadajin lahaa soo xulista xildhibaannada Beelaha ku matalaya Baarlamaanka cusub iyo xalinta tabashooyinka dhanka Ahlu Sunna Waljameeca.