Lukaku oo doonaya in uu taariikh ka dhigo Champions League

0

Romelu Lukaku ayaa doonaya in uu rajo weyn geliyo kooxda Everton isla markaana wuxuu leeyahay waxaan leenahay rajo wanaagsan oo aan ugu soo bixi karno tartanka Champions League xagaagan.

Kooxda Toffees ayaa hadda kaalinta 7-aad ka fadhisa kala sarreynta horyaalka Premier League waxayna 8 dhibcood ka hooseysaa kooxda Manchester City, oo kaalinta 4aad joogta iyadoo ah kooxda ugu dambeysa ee aadi karta Champions League marka la fiiriyo dalka England oo ay 4 kooxood xaq u leeyihiin in ay tartankaas tagaan.

Lukaku, hadda waa 23-jir, wuxuuna dhowaan noqday laacibkii ugu goolasha badnaa ee Everton isagoo ku faanaya in uu 21 gool ku dhaliyay 29 kulan oo horyaalka ah.

Kooxda Goodison Park ayaa isku deyeysa in ay ilaashato Belgium wiilkan u dhashay, balse isagu wuxuu leeyahay waa in aan helaa koox koobab hanan karta sidoo kalena ciyaareysa tartanka Champions league.

Wuxuu ku fakarayaa in kooxdiisu ay ku dhammeysan karto kaalin sare xagaagan, si ay uga mid noqoto kooxaha u tartamaya gaarista CL.

“Waxaan doonayaa in aan sameeyo taariikh kooxeed,” Lukaku, oo la hadlayay EASPORTS.com, ayaa yiri. “Waxaan doonayaa in aan kooxdeyda ku riixo ka mid noqoshada kooxaha kaalimaha 4-ta hore.

“Shaqsi ahaan, waxaan doonayaa in aan noqdo mid ka wanaagsan sida uu maanta yahay wax walbana is beddel muuqda ayaa ku dhacaya.

“Xagaagan oo kale nama soo marin waayadaan dambe, waana in aan ka faa’iideysanno is beddelka wax walba horay ayaan u sameynay waana in aan halkaas kasii wadnaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here