Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan & Malaayiin shaqo la’aan heysato!

0

1-da May oo ah Bisha Shanaad ee Miilaadiga Qaramada Midoobay ayaa aqbashay soo jeedin ka timid waaxda taariikheynta u qaabilsan si maalmo loo gooni yeelo munaasabado kala duwan oo tan shaqaalaha ay kamid tahay.

Ujeedka maalintaas loo aas-aasay waa dhowr qaybood oo kala ah: In la helo maalin u gaar ah oo shaqada kawada nastaan dhammaan shaqaalaha dalalka saxiixay heshiiskaan, la socodka shaqo la’aanta, ka warqabka saacadaha shaqada & kuwo kale oo lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha.

Marka la gaaro 1-da May waxaa la fasaxaa shaqaalaha si ay ehelkooda ula joogaan maalintaas, dalalka qaar ayaa intaas ku dara tartamo, ciyaaro & socod ay ku muujinayaan maalintaan muhiimadda ay u leedahay shaqaalaha kala xirfadda duwan.

Sanadkii labaad waxa ay shaqo la’aan heysataa qoysaska uu saameeyay xannuunka Covid-19 haba kala saameyn badnaadaanee, 2020 & 2021 waxaa dhaqaale xumo hoos u dhac ah soo wajahday shaqaale kala duwan oo xitaa qaarkood saameyn taban ku reebtay nolosha reerka.

Ururka Shaqaalaha Caalamiga (International Labor Organization) loona soo gaabiyo ILO ayaa diiwaangeliyay xaaladda shaqaalaha dalalka xubnaha ka ah Ururkaan oo codka Qaramada Midoobay ku howlgala.

Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO waxaana xubin ka ah 186 wadan oo kamid ah 193 dal ee Qaramada Midoobay iyo hal Jaziirad, dhammaantood waxa ay qalinka ku duugeen in ay u hoggaansameen xeerarka ururkaan.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhibaato shaqo la’aan soo wajahday Malaayiin ruux oo ku kala nool Qaaradaha adduunka waxa ay ku tiirsanaayeen shaqooyin kala duwan oo ay ku maareenayeen Nolosha qoysaskooda.

Qaramada Midoobay waxaa hoostaga:- Ururada Caafimaadka, Cuntada, Qoxootiga, Wakaalada Duulista Hawada, Cuntada iyo Dalaga, Daryeelka Caruurta, Waxbarashada, Horumarka Teknoolojiyada iyo Wershadaha, Badaha, Ganacsiga, Isbedelka Cimilada iyo Ururka Shaqaalaha.

Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO Qoondo ayuu ku leeyahay Golaha sare ee Qaramada Midoobay, si lamid ah Ururada kale ee kale kor ku xusan haba kala shaqo iyo firfircoonaan badnaadaanee, Dalalka ugu badan ee taageero waa: Finland, France, Germany, Italy, Norway, Poland, Slovakia, Slovenia, Spain iyo Sweden, halka Qaaradda Ameerika aysan ka marneen oo waxaa liiskaan usoo galay dalalka ku yaalla Bartamaha sida: Costa Rica, Panama iyo Cuba.

Mustaqbal