Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen degaannadooda

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in culeyska Ammaan ee kajira wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ay sabab u tahay howlgallada ay Ciidamada Dowladda ka wadaan degaano ak tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee kasoo weecday howlgallada ay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan Shabeellaha Hoose ay u soo wareegeen degaannada Hir-Shabeelle, iyaga oo geysta weeraro kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in caqabada amni ee ka jirta degaannada Hir-Shabeelle iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee kusoo qul qulaya ay u gidbiyeen Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in wax laga qaban doono.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weraro ay geysteen Al-Shabaab oo lagu dilay, Askar, Xildhibaano & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.