Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha, kuna baaqay shir saamileyda siyaasadda

0

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirada ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay isla ogolyihiin saamileyda siyaasadeed.

War murtiyeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu dhiirageliyay inay dowladdu ka dhabeyso hadalkaas, isla markaana aqbasho in la qabto shir degdeg ay isugu yimaadaan saamileyda Siyaasadeed, si looga heshiiyo jadwalka iyo nooca doorashada ee dalku aadayo.

Madasha ayaa sheegay in maadaama uu maamulka talada hada haya ka gaabiyay howlihii saldhiga u ahaa doorasho qof iyo cod oo si xor u qabsoonta, isla markaana  uu muddo xileedkooda gabaabsi yahay, ayna lagama maarmaan tahay  in saamileyda siyaasadeed ay heshiis loo dhan yahay ka gaaraan hannaanka doorashada sidii horay loo sameyn jiray.

  • Halkan hoose ka akhriso:-