Madax aan mideysneyn oo Shirka London la tagaya Ajande Mideysan !!!

0

Madaxda Maamul  goboleedada dalka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada London ee dalka Britain oo ay kaga qeyb galayaan shir weyne caalami ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaas oo ay abaabulkiisa leedahay dowlada Ingiriiska .

Madaxda dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyadaayaa hore ugu heshiiyay in aragti mideysan ay shirkaas la hor tagaan laakiin isweydiinti waxay tahay iyagu ma yihiin kuwo mideysan dadka ay maamulaanse mid ma yihiin?

Jawaabta Su’aashaas waxaa laga dheehan karaa qaab soo dhoweynta Jaaliyada Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriirka gaar ahaan Magaalada London, iyadoo madaxweyne waliba oo maamul goboleed si gaar ah ay usoo dhaweeyeen Jaaliyadda deegaan ahaan  ay kasoo kala jeedaan.

Garoonka diyaaradaha Heathrow ee London, Jaaliyad waliba waxay kusoo dhaweysay madaxweynaheeda , waxaana la filayaa in madaxweyne waliba Jaaliyaada kasoo jeeda deegaanada uu maamulo ay xaflado u dhigaan .

Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta ay joogaan London inay kulan la qaataan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool London kuwaas oo ay ka dhagaysan doonaan aragtiyahooda qudbadana u jiidan doona ..

Madaxwenaha Hirshabeelle ayaa hore tabasho aan la xalin ka qabay dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , hayeeshee waxay ka mideysan yihiin jandaha shirka London

Caalamka iyo Soomaalida ayaa isha ku wada haaya shirka London iyo natiijada kasoo bixi karta oo su’aalo badan la iska weydiinayo , waxaana xusid mudan in dalal shirkas ku casuunaa ay ka qeyb galkiisa diideen , hayeeshee shirka ayaa barri si rasmi ah loo daah furi doonaa waxaana shir gudoomin doona madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Britain.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com