Madaxda Dowladda Oo Umadda Soomaaliyeed Kula Dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Salaada Ciidul’Adxaa kula dukadey Umada Sooomaaliyeed Masjidka Isbaheysiga Islaamiga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa slaada ka dib umada Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogaan markale ugu hambaliyeeyey Munaasbada Maalinta Ciidul’Adxaa oo maanta ku beegan.

Sidaas si lamid ah Gudoomiye Jawaari ayaa Muslimiinta meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambaliyeeyey Munasabada maalinta Ciida.

Madaxda Dowladda ayaa munaasabadaha Ciida umada soomaaliyeed aalaabakula dukada Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.